Dicember .05.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

Best Love Story part 4
 
 



Aqristayaasah Qiimaha Iyo qaayaha badanoow Waxaan idiin soo Bandhigaa Qisadanani Dhabta Ah oo Dhacdey Sanadku Markuu Ahaa 1989kii Waxeyna kadhacdey Magalaada Muqdisho Waqtigaasi oo ay Jirtey Dowladii Somalia Waxaana ay kudhacdey Maxamuud Maxamed Cali Iyo Khadra Daahir Guleed)
 
 
Waxaa been aheen jaceelku in uu yahay mideeyaha aadanaha ama lab iyo dhadigba jaceelku waa wax uu rabi inoogu nimceeyay hadaba marar badan ayaa maqasheen hebal waxaa haayo jaceel hadaba bal qisadaan oo ah dhacdo run ah iila Aragka Biloow Ilaa Iyo Dhamaadba sideey kubilaabato Iyo sideey udhamaataba Aqritoow Lagama Yaabo in aad kudaashaan Aqrinteeda Lagama Yaabo in aad Ka Caajistaan in taad Wadaan
Aqrinteed Hadaan Idiin Bilaabo Sheekadaani Waa mid Naxdin Badan Waa Mid Farxad
Badan Runtii Waa sheeko Dhacdo Run ah oo Dhacdey Taariikhdaan idiin soo sheegey
 
 
Khadra Waxaa  Galey Maseyr Farabadan aydoo Go aankii uugu Mihiimsanaa  ay gaartey Ahaa  in ay iska Furto Ninkaani Madaama uu laguursadey naag kale adoo
Aysan Fileyn in uu Ninkeedu Arainkaasi Sameyn Doono lakiin Mesyan ogeyn in uu ilaahey ubaaneeyey Af Naagood Muxuu Yahay Sidiisuba Maseyrka Maxaasa Daawo u ah Maxaasa loogaga Gudbi karaa aqristoow Intaasi oo dhan kala soco Qisadaani
 
Maxamuud Maxamed Cali Hadii loos heego in ay maqashey arinkaasi  Xaaskiisa Khadra Muux Fali Doon in kastoo  uu khadro aad iyo aad ujeclaa Waxuu usoo Waregey  Gobolka Oppland ee Dalka Norwey Waana uu maqley in ay Naagtii Masetey Waxuuna  Rabaa  in uu uugu Yimaado Magaalada Muqdisho kadhaadahciyo Waxa Jiraa  Maxamuud Maxamed Cali Hooyadiis Maalin kastaa  waxaey kuula talisaa in uu
Iska Furo Naagtiis Asga  Furiin iska Daaye Waxuu ka jecel Yahay labadiisa indhood Waxuuna Rabaa  in uu uugu Yimaado Magaalada Muqdisho uuguna Dhisaa Guri ayada
Iyo Reerkoodu ay Leeyahiin Maadama uu ka maqnaa Waqti farabadan Waxuuna soo  Wacey khadro Waxeyna usheegtey in Waqtigaani Xaadirka ah aysan hadalkiisba
Diyaar aysan Rabin madaama  uu qiyaaney lana Guursadey Naag kale waxuuna isku
 
Day arinkaasi in uu ka qarsho lakiin Waxuu Yire Waxii Jiraa  Anigaa  kuusheegi Doono Waxaana Rabaa  in aan kuugu imaado Magaalada Muqdisho Kadibna aan ugudbo Hargeysa oo ay Joogaan Reerahooda oo dhan Waxeyna  Goo aankeedii Noqodey khadra maadama  uu guursadey naagkale in uu iska Furaa Maadama uu qiyaaney
Lana Guursadey naagkale Waxuuna Maxamuud  Gio aankiisu Yahay in uu Yimaado Magaalada Muqdisho Kana Dhaadhaciyaa Arimaha uu damacsan Yahay oo dhan
Waxuuna usheegey in in uu iibin Doono huriga ayada ugaar ah oo ay leedahay  in dhaqaalo ay  ku shaqeysato Lakiin waa Naag Maseyr san waxaasi oo dhan uma jeedo
 
 
Su aashii uugu yaabka Badneed Waxey Tire Khadra  hadaada ijecleed maxaad ilaala guur satey naagkale Waxaa Ee Cad maxamuudoow in aadan Wax jaceyl ah aadan ii Khabin miyaadan Ogeyn in aan adiga uun kuu Dhowraayey sanooyin farabadan Man aanan Ogeyn in aad Sidaasi iila Dhaqmi Doonto Maxamuud laakiin waa iska Xaal Aduun Dhib malaha arinkii imaanshaha magaalada muqdisho Waxaa  ay reerkiisa Kula taliyeen in uu yimaado magaalada  Hargesya oo Waqtigaasi dhaantey xagaga
Amaanka Magaalada Muqdisho Wuxuuna kanoqdey imaantinkii muqdisho Waxuuna Imaanaayaa  Somaliland Hargesya Waxuuna rabaa  in uu halkaasi uugaga iibshaa Qadro Guri ay leedahay ayadana ugaar ah Waxuuna  Yire waxaan rabaa adiga iyo reerkaagaga oo dhan in aad u wareegtaan somaliland madaama  aanan Waqtigaani imaan karin ,
 
 
Khadro Waxaa kaliya oo ku qanci kartaa  Waa  in uu Furo naagta kale Maxamuudna Arinkaasi  aad iyo aad ay uugu adag tahay  lakiin waxuu  Rabaa  in uu qanciyo intii
Karaankiisa ah lakiin naag masertey sidii lagu qancin lahaa  waa ay adag  Tahay .
 
 
HAWEENKA IYO MASAYRKA
 
 
Haweenka maseerkooda ma waxa uu u badan yahay marka ay hawenku dhallinta yihiin? Mise marka ay waayeelka yihiin?
 
Haddaba marka hore waxaa xusid mudan in la isweydiiyo Magaca Maseerka loo yaqaanno, Bal aan isku dayno macnaha weyn ee uu leeyahay Maseerku.?
Anigu fikradaha badan oo dadka kala duwani ka qabaan waxaa ka soo qaadanayaa in uu yahay jacayl siloon oo wax badan u dhimi kara ruuxa dareenkiisa si yar oo fududna maskaxda iyo maankaba u burburinkara?
 
Marka dhinac kale laga eego sida ay diinteennu ina faraso sheydaanka oo rabbigiisa caasiyey ayaa si yar uga faa'iidaysta Ruuxa marka uu Caroodo maskaxdiisana wax galaan, dabadeed ayuu sawir aan jirin siiyaa markiiba kaga yool gaari karo waxa ka caraysiiya waaana cadow xun sheydaanku oo ummadda ku dhex dhuumaalaysta loona baahan yahay in laga fogaado?
 
 
Maxamuud waxaa  kusoo Siyaadey arain adag taaso ah Khadra oo Go aankiidii ahaa  in uu Furo Naagta kale ama ayada  Tii Markaasi  uroon in uu kala Doorta  Hoyaadiina Waxey kuula talinesyaa in uu furo asaguna lagama yaabo in uu furo khadra ileen aad iyo aad ayuu ujeclaa Su aasha taal ayaa ah haduu Jeclaa  khadra maxuu uula
Guursadey naag kale Maxamuud Mudo gaab ban kadib Waxuu  Tagey  Magaalada Hargesya Xarunta somaliland  Halkaasi  oo aad iyo aad uugu soo Dhaweeyen Reerkiisa oo dhan Walindiintisa Iyo qaraabadiisa  oo dhan Markii uu maalmo yar Joogey ayuu Waxuu halkaasi  Guri Weyn uugaga Ibashey khadra Gurigi gaasi oo Ahaa  Guri aad iyo aad u qurux badan Waxaana  uu uga iibashey faras magaalaha
 
 
Hargesya Waxuuna Lahadaley khadra Iyo Reerkoodana una sheegey in ay usoo Wareegan  Magaalada Hargesya  Xarunta somaliland madaama khadra xataa ay dagaan ahaan kasoo Jeedo halkaasi khadra arinkaasi  aad iyo aad ayeey udiidey waxaana kuqasbay Reerkooda Khadra Iyo Reerkoodii oo dhan Iyo wiilkeedii Waxey u wadada Wareegen somaliland Waxaana  Garoonka Weyn ee Hargeysa Kusoo Dhaweeyey Maxamuud Waxaana loo Galbiyey Guri geedi Cusubaa oo Diyaar Ahaa Khadra markii ay  aragtey maxamuud waxaa  ka baa bay Xanaaqii Iyo Waxii ay uqabtey ninkeeda Waxaana  Durbadiiba kusoo  siyaadey faraxad iyo Reyn Reyn aysan markeedii Hore waxaana  lagu wareejiyey Waraaqdii  Cadeynta  in ay leedahay Guriga  Iyo Furayaashii  Khadra  Waxaey Tire wax kastoo aad isiiso Waxaan uugaga
 
 
Qanacsanahay  in aad ii geyso Meesha  aad joogto ama aad  kunoo shahay in aan tago oo kaliya Runtii aniga  Iyo wiilkeyga meeshani ma joogi karno Reerkiina aniga aad iyo
aad ayeey ii neceb Yahiin gaar ahaan Hooyaadaa  marka hadaan aniga hargeysa  dag naado hooyadaa maalin kastaa  waxaa laga yaabaa  in uu muran ina dhax maraa
Aniga dooni maayo Maxamuud in tii uu joogey magaalada Hargesya Waxaa loo shegay In xaaskiisi Dagneed Norwey uuu Jeeray Gaari  xaaladeeda Caafimaadna aad iyo aad
Loogaga Deyrinaayo Waxaana  uu Rabaa  in uu si Dag dag ah ku gaaro Maxamuud oo kamaqan xaafada ayaa  waxaa  loo soo sheegey in gabdhii uu qabay ay kasii  Dareyso xaaladeeda loona  rabo in uu  kusoo gaaro sidada uugu dhaqsiyaha badan
 
 
Waxaana telfoonka maalintaasi qabatey khadra waxaana maalinkaasi ay tire maxamuud Waxaa telfoon kusoo Derey gabdho Dumaashi yaalkaa ah waxaana lagu Yire  xaskagi
Xaaladeeda Caafimaad aad iyo aad  ayaa loogaga Deyrinyaa  waxaana qasab ah in aad  Ado maxamuud maalinkaasi ma uusan maleysan Ereyadii kasoo baxay orod oo aad Maxamuud Waxuuna Yire abaayo macaan waan aadayaa  lakiin waxaan rabaa  adigoo faraxsan in aan baxo waxeyna Tire aniga aniga waxaan kuu qabo malha gabdhaasi Waa  xaaskaaga  ayduna xaq ayeey kuugu leedahay marka waxaa  larabaa  in aad gaarto sida uugu dhaqsiyaha badan Waxuuuna Yire  Waxaan kusoo laabanayaa Haduu ilaahey Yiraahdo Mudo 3 Bilod ah waxaana  rabaa  hadey soo caafimaado
 
 
 
in aan soo laabto markaasi aan halkaani Joogo mudo Badan waxaan kuu balan qaadayaa wax yaabaha aad jeceshahay oo dhan  in aan kuu qabto wiilka kuula
Dhashay  aan kuugu iibsho Leyn Dibadan ah markaan soo noqodo macaaney  Waxaana  ay qaadatey Go aankii uu usoo jeedshay ninkeedii maxamuud waxaana uu isku diyaarshey safarkiisa  ahaa  in uu kulaabto wadanka norwey oo markiisi hore Kayimid Waxaana siiyey lacago farabadan oo maseyr Tir ah iyo gurigii loo iibashey
Lakiin Muusan garan khadro waxa  ay damacsan Tahay oo waxaey rabtaa  markuu Baxo ninkeeda  in ay gaarto Nairobi halkaasi ay uugaga baxdaa leyn Bug ah
 
 
Maxamuud waxauu gaarey Norwey Waxuuna maalin maalmaha kamid ah lasoo hadaley Khadra waxaeyna Tire aad iyo aad ayaan u xanuun sanahay waxaan rabaa  in aan gaaro Magaalada Nairobi halkaasi oo ay joogaan Dhaqaatiir caalami ah Waxuuna usoo deray Lacaga ay ku gaarto halkaasi Nairobi Iyo mid ay horey uheysatey Durabdiiba Waxey aadey xaafiisaka Diyaarahada ee daalo ee magaalada Hargesya Waxaana  arinkaasi
oo dhan la og Reerkooda oo dhan waxaeyna Durbadiiba soo gaartey Nairobi , Waxaana  halkaasi  dagnaa  hablo ay qaraabo ayhiin Iyo odey abtigeed ah  khadro
Waxey rabtaa  oo kaliya  leyn Yurub ah gaar ahaan Norwey oo kaliya halkaasi oo uu kusugan Yahay Ninkeeda maxamuud Khadar waxaa magaalada Boos ama
Leyn Bug ah raadintiisa uugu dhaqaaqey abtigeed khadra oo go aankeedu ahaa  in ay tagto halkaasi uu joogo ninkeeda oo kaliya Waxaana lasoo heley Basaboor
 
 
Norwey ah oo ay gabar u eg leedahay  khadra oo aad moodo in ay wadada Dhasheen Isla maalinttiba waxaa loo qaadey Basborkaasi Nin Muqalis ah oo dadka qaada ninkina
Waxuu sheegey in uu gabdhaani ku qaadi karo Basboorkaasi Muqalaskaasi oo laga Rabo in uu dhaafiyo Garoonka weyn ee magaalada Nairobi oo kaliya Waxii intaasi Kadanbeeyo Ayadaa iska Dhiibo Doonto Garoonka  Oslo International Airport, Norway Khadra Waxey iska Dhiibtey Garoonkii intii aysan isdhiibin ayeey Waxey
Lahadashey Gabdho ay qaraabo Hoose Yahiin Iyo kuwa badan oo asxaabteeda ah Waxaana lagaga maleysan waayey in ay timid Norwey Mana aysan Wacin ninkeedii
ayadoo Rabtaa asgoo qabaar moog ah in ay Dul istaagto oo kaliya asgoo aanan ogeyn Khadra waxaa la qaabiley waxaana lagu xareeyey Xero Qaxootiga lageeyo
 
 
 
Mana uusan Ogaan  in ay Timid Naagtisa Maxamuud Wadnaka Norwey  lakiin maal maalha kamid ah ayuu Waxuu soo Wacey telkii Nairobi ee khadra nasiib Waanaag
Waxaa kaqabatey Gabar ay Qaraabo yahiin waxaana loo sheegey in ay Dhooftey leyn Bug ay gaartey Cariga Norwey Maxamuud arinkaasi Markii ay dhagahiisu Maqleen
Waxaa kusoo siyaadey Cabsi Xoogbadan Iyo Dismuraal asgoo kabaqaayo in uu Dhib kala Kulmaa imaanshaha Wadanka ay Timid Khadra maalin maalmaha  kamid ah
Ayaa  waxaa soo Wacdey  Gabar  ay isku reeryahiin oo Tire waxaanu maqalney in ay Khadra Timid Wadanka arinkaasi Miyaad ka warantaa  waxuuna jawaab ugaaga
Dhigey in uu maqley oo kaliya lakiin Waqtigaani uusan ku sheegi karin meel ay joogto wali aysan soo Wacin Intii uu hadalkiisa Wadey ayaa  waxaa  Tellkiisa  Mopelka
ah soo Wacey khadra una sheegtey in ay joogto Oslo lana qaabiley  Waxaana ka Go ay isla markiiba Cardkii ay kuhadlesya asgaana Wacay waxauuna Weydiiyey Isla
Goobta ay kusugan Tahay Waqtigaani Xaadirka ah Waxeyna usheegtey Xaafad
 
 
 
Markaasi udhow Durbadiiba Waxuu soo aadey halkii ay u tilmaantey waxaana soo  Raacey gabdho badan oo ay Qaraabo yahiin Waxaana maalinkaasi kamuuqatey
Maxamud Naxdin Farabadan lakiin Khadra Mesyan sameyn Waxuu uu maleynaayey Khadra aydoo balan qaadey in aysan Wax  dagaalo iyo buuq asayn sameyn karin halkani ay tahay Wadan Yurub hadii lamaqlaana in uu maxamuud labo xaas leeyahay uu halkaasi dhib weyn kasoo Gaari karo Waxaana ay khadatey Go aankii lagu talshey
Waxaana  halkaasi kusoo Dhaweeyey Qaraabadeeda oo dhan Waxaana halkaasi Ku Dhamaadey aqristoow Qisadii Halkaasi  ay ku Dhaamaatey 

 Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad ,,,,,,,,,,,,,,Dhamaad
 
Fiiro gaar ah: Qormadan waxay wada quseysaa dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba intaba Inta Daneysaa Sheekooyinka Kafaaloonaya Arimaha Jaceylka ,
 
NB: Qoraalkaan xaquuq Diisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama daabacan Karo lamana Qaadan karo ilaa ogulaasho Lagaga Helo Qoraaga sheekada ,,,,
 
Raali galin ku socota akhristayaasha oo ku saabsan intii ay idiinka soo daahdey Qisadaani karaali ahaada Maalmaha soo Socdaana Waxaan idiin Bilaabi Doonaa  Haduu ilaahey Yiraahdo  Sheekooyin kaloo  farabadan Runtii oo aad ladhici Doontaa Haduu ilaahey Yiraahdo Waxaana Kamid ah Sheekooyinka aan Bilaabi Doon Maal maha soo Socdaa
 
 
Qalanjadii Is Qaad qaadey Maxaa qubey Hankeedii
 Qalanjooy Qeybsami Weysay
 
 
Waxaa Qorey Al ustaad Cumar Cabdi Xaashi Iyo Hoodo Axmed Ibaarhim
 
Fadlan Waxii Talo Iyo Tusaalo ama Dhaliin waad iisoo Gudbin kartaan Aqriste waan qaaday Dhalishaada Hadii aad  aragtaana Waxii qalad ah Dhanka Qoraalka ka Raali ahaada Aqristoow Waadna Ogaan Doontaan Meesha ay ku Dhaamato Ibna aadanka Lagama waayo qaladaadka Raali ka aahaada Arinkaasi
 
 
Omar Abdi Haashi
suxufi200@yahoo.co.uk
xaash111@hotmail.com
Tell 254722942767
Kenya Nairobi

 
Roodo Axmed Ibaarhim Hoodo Indho Uroon
hoodo007@yahoo.com
Hargesya Somaliland
Tell.25224413673


 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software