Dicember .05.2007 Waagacusub.net Sheekooyinka jaceylka

Galgacaylkii Qarsoonaa( Sheeko xiiso badan)qeybtii-
9aad

 
 


Axmed intii uu jidka sii socday waxaa maskadxiisa ka guuxayay dhowr arrimood kuwaas oo uu ku doonayay in uu go,aan ku gaaro.

balse isagoo arrimo badan kala guraya aysanna u soo bixin go,aan rasmi ah ayaa waxaa u muuqday albaabkii gurigooda oo walaashii ay ka sii galeyso isla markaana ay isaga gadaal u soo eegeyso si uu usoo galo …

Ka dibna axmed inta uu soo talaabo dheereeyay ayuu soo galay gurigii ka dibna wuxuu si toos ah u abaaray qolkiisii gaarka ahaa..

Axmed sida uu maalintaasi ahaa dareenkiisa xitaa wuu ilaabay in uu iska bixiyo uniformkii uu iskuulka kala yimid inta uu albabka dhexda ka xirtay ayuu isku tuuray sariirtiisii .ka dibna fakar dheer galay oo uu ku gorofeynayo xaaladda deg degga ah ee aan lala ogeyn eek u soo korortay noloshiisa…

Waa yaab !

Gabadha uu axmed sidaan isugu mashquulinayo ee isla weyni iyo jacaylna ay isugu biirsadeen iyadu xitaa uma oga mana weligeed ku fakarin hadal in uu dhex mari karo iyada iyo wiilkaas axmed ah ..in uu jiro iyo inkalana wax dan ah kama aysan lahayn ..

Waa wax mararka qaarkood dhaca in ruux aad jeceshahay oo dhexda iyo dhuuxa kaaga maran aad hadana qoonsato in xiriir uu idiin dhex maro adigoo taana u sameynaya caqabado ku hortaagan amaba adigoo ka xishoonaya in aad burburiso caado ay bulsho meel kuwada nool ay u arkaan sharci lagama marman ah in lagu  dhaqmo..

Axmedna waxaa xirayay dhaqanka gurracan ee ay dadku aaminsanyihiin ee ah in labo ruux oo bani,aadam ah aysan isugu qalmin kala dheeraanshaha hantida amaba heerka nolosha,iyo ku kala duwanaashaha waxa ay u arkaan in haddii lagu dhaqmo ay tahay ceeb.

Axmed waxaa dhuuntiisa mari weysay in isaga oo qoyskiisa laga wada yaqaanno magaalada iskuulkana uu caan ka yahay uu la xirto gabar qoyskoodu uu ka soo jeedo reeraha faqrinimadu ay la dagtay…

Hadana waxaa uu ka kabsan waayay jacaylka sida naxariis darrada ah ugu beermay wadnihiisa maalinna maalinta ka dambeysa ku sii tarmayay..

Axmed wax uu talo gedgediyaba wuu ku rafaaday sida uu ka yeeli lahaa waxaa maankiisa ku soo duxay arrimo badan ..oo uu garan waayay mid uu ka qaato,waxa ruuxa xukuma waa maskaxda,e

Maskaxda axmed ee u ooman fani daahir waxay soo tufeysay neecaw qabow oo wadata leyr kalgacayl diirran uu ku laranyahay marka ay u sawiranto fani daahir ..taasoo si toos ah ugu dhibceysay qeybta jacaylka ee wadnaha bartamihiisa ku taal .

Axmed markii uu ka quustay in uu go,an gaaro ayuu isku qanciyay in uu caawa talo kama dambeys ah uu ka qaato saaxiibkii keyse isaga oo iska dhaadhiciyay in marka hore uu keyse sharraxaad uga bixiyo..farqiga u dhexeeya isaga iyo fani daahir si uusan ugula talin go,aan ah in uu fani xiriir la yeesho..ka dibna uu ku dhaqaaqo waxa uu saaxiibkii kula taliyo.

Axmed xitaa maalintas ma uusan cunin qadadii miiska loogu diyaariyay oo maba uusan soo xusuusan,cabaar ka dib axmed wuxuu isku dayay in uu madaxa dejiyo oo uu yara gam,o balse muxuu hurdaa waa inankaas aan weligii dhibaatooyin kuwan la mid ah aan hore u arkine,waxaa ka soo dhici weysay  hurdadii,oo in muddo ah sariirtiisa ayuu iska dul jiifay..

Markii la gaaray galabtii ayuu ka soo baxay qolkii inta uu iska siibay dharkii iskuulka ayuu soo qubeystay wuxuuna soo fadhiistay  daaradda gurigooda oo ahayd meel ad u qurux badan ayna ka baxayaan ubaxyo qurux badan waxaana socotay leyr qabow badan oo saxansaxo udgoon leh ay weheliso..

Goobta uu axmed fadhiyay meel sidaa aan uga fogeyn waxaa fadhisay muniira oo ay u shidneyd hees cajiib ah oo soo jiidatay dareenka axmed kuna sii kordhisay caadifad gacaltooyo oo quluubtiisa biya dhigatay..

Waxaad moodaa in heesta ay muujineysay waxa maanka axmed ku sawirnaa..

Fanaanka sida halaasiga leh ugu luqeynayay waxaa uu ahaa xasan aadan samatar…

Taasoo ahayd………

Sida meel barwaaqa ah

oo buuro dhaadheer

webi baal maraayoo

barbarkana daruuruhu

kaga beeganyihiinoo

waaguna beryaayoo

bardihii magooliyo

ubaxii gadaal baxay

balanbaalis calamo leh

hadba laan ka boodaa

adna ii bidhaantaa………..

Axmed isaga oo heestii sii macaansanaya ayay ka baxday muniira waxa ay eegeysay dareenka axmed hadba sida uu isku badalayo…

Waa yaab!dhibkeeda ayay leedahay hadii ay shaqadaada noqoto  in aad daba taagnaato ruux kale.muniira garteed ayay ahayd oo aabeheed ayaa ku amray in ay la socoto xaalka walaalkeed ayna u soo tebiso xog rasmi ah.

Muniira markan waxaa maankeeda ku soo dhibcay in waxa axmed haya uu yahay jacayl niyadda ayayna ka dhoolla cadeysay sababtoo ah hadda ka hor ayaa wiil lagu magacaabo kaafi oo dareen jacayl oo baaxad weyn leh ay u heysay uu si naxariis darro ah uga celiyay walaakeeda xmed juqraafi .

Kaafi oo u heellan iyo iyadoo u jeel qabta ay iyadu fulisay amarkii axmed juqraafi oo walaalkeed ahaa wiilkiiinna sidaa ku xumeysay oo xiriirkii u jartay.

Muniira weli kama aysan quusan kaafi oo ma jirin ruux kale oo ay la meel dhigto waxayna inta badan isku samirsiin jirtay in maalin un la gaarayo xilli walaalkkeed axmed uusan la joogin markaana ay fursadda ka faa,iideysan doonto oo xiriirkii kaafi iyo iyada dib u soo nooleyn doonto. 

Inkasta oo kaafi uu ka kabtay hilmaamayna jacaylkii muniira wuxuuna aaminsanaa in ay nabsi ka gashay uuna arki doono maalin ay jilbihiisa heysato.kaafi lama uusan socon in axmed juqraafi uu ka dambeeyo kala geyntooda.

muniira waxaa jahawareer ku riday cedda uu walaalkeed jecelyahay………mar waxay is tiri ma fani baa?

Hadana si degdeg ah ayay uga laabatay oo waxaa u cuntami weysay in fani iyo walaalkeed oo ay ogtahay sida ay wax uga dhxeyn karaan,sidoo kale waxay ka war qabtay in walaalkeed axmed uusan dhageysan jirin heesaha gabdhahana iyaga ay daba ordaan oo uusan weligiis isku mashquulin gabar xaqa jacaylkana uusan waxba ka aqoon.si kastaba waxay muniira hoosta kaxariiqday in ay ka sal gaari doonto mar un arrintan.

Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software