Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Maxaa loo furay Faadumo...?!!(Sheeko taxane ah) Qaybta 7-aad

Boga Bulshada 05 November  2009 Waagacusub Media
 

           


Faarax iyo Fabio,markii ay hawlahoodii soo dhamaysteen maqribyadii, waxay ku leexdeen 'Bar Fiat', si ay uga shaaheeyaan, qaddarna ugu nastaan. Intii ay labada Nin fadhiyeen Baarka, waxay yeesheen wada-hadalkan:-

 

 

Fabio:-Warka i sii hee Faaraxow, waxaan galabta arkayay adigoo xoogaa la sheekaysanaya Gabadheenna Faadumo...ma wax baa soo kordhay, mase baashaal un bay iska ahayd arrintu.. ?

Faarax:-Maya maya, arrintu waxay hadda isaga bilaabantay baashaal iyo is-barasho caadi ah, laakin ninyahow markaan runta kuu sheego muddaba indhahaan ku hayay gabadhan, oo xoogaa bay i dhex-qaadday. Waase la arki doonaa haddii aan isla saan-qaadi kari doonno.

Fabio:-Sidaas iga dheh...War i anfacaaya, oo aan noociisa oo kale jeclahay ayaad ii sheegaysaaye...Weligay waan ku farxaa labadii jacayl isla dhisaysa, waxaanna soo xusuustaa waaya-waayo, waana aan jiriricoodaa..!!.

Faarax:-Horta Wadaayoow waad og-tahay in aan anigu leeyahay Xaas, muddana isa soo qabnay, laakinse ayan weli ii dhalin caruur. Sidaas oo ay tahay ayay haddana Xaaskaasu ku sii darsatay garasho la'aan xagga sida loo maamulo ragga ah..!!. Intaan ka badanse uma sii dul-qaadan doono.

Fabio:-Marka Naagtaadaas hore ma furaysaa, mase tanna waad ku labaysanaysaa, sida ay Diintiinnu idiin oggoshahay...?.

Faarax:-Horta waan eegi doonaa, oo ma aan degdegayo. Waxayse ku xirnaan doontaa in badan, hadba sida aan isu fahamno Faadumo. Kollayse Gabadhu waa ay i soo jiidatay...!!.

Fabio:- Haa waa sidaas. Intaan anigu ka aqaan Faadumo waa qof fiican oo fariid ah. Waan bogaadinayaa xiriirkiinna, welibana marka ay guur noqoto, waxaan idiin siin doonaa gacan weyn oo xagga Maaliyadda iyo Mooralka ah.

Faarax:-Waad mahadsan tahay walaal. Waan kaa filayay sidaas. Aniguna cagta ayaan Cagta u saari doonaa Faadumo, ilaa aan ku qanciyo is-guursi. Albaab kasta oo ay ka-bax is-tiraahdo waan ka soo awdi doonaa, waayo Soomaalidaa tiraahda:-"Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa". Waxaan kaloo ku maahmaahnaa:-"Wax lagu fududaado Nikaax ayaa ugu fiican".

Fabio:-Murti dhaxalgal ah ayaad leedihiin haddaad Soomaali tihiin. Hore u sii socda. Aqalkaygu waa Aqalkiinna. Xaaskayga Filipona waan la socodsiin doonaa arrinta. Waan idiin fududeyn doonnaa is-xodxodashada(shukaansi). Mar-mar aqalka oo dhan ayaan idiin firaaqayn doonnaa, si aad u kala bogataan, si xurriyad ahna wax isula jeexjeexdaan...
La soco Qaybta 8-aad

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy

Somalia: Sudan pushes Aweys to support Somalia government

Somalia:Al-Shabaab Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People

Somalia: Mortar shell injures 8 women in Mogadishu

Somalia: Hormuud Telecom accused of listening its customers: Editorials

Somalia:Al-Qaeda to distabilize Somaliland
 

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new