July .05.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Wiil ka hela sawirada gabdhaha qurxoon oo halis qosol
badan kala kulmay..

 
 
 


Wiil lagu magacaabo Cabduqadir Ismaaciil ayaa halis kala kulmay kumanaan sawiro gabdho Soomaaliyeed oo uu aruuriyay tan iyo qaangaarkiisii,sawirkii ugu dambeeyay ka gadaal markii uu ula tegay nin ay is yaqiineen oo gabadhaas qabay.

Cabduqadir ayaa wiilka ay saaxiibka yihiin tusiyay sawirka ,ka gadaalna wiilka gabadha qabo oo la yaaban sababta uu ku helay sawirka xaaskiisa ayaa weydiiyay,ma gabadhaan ayaad taqaan? Markaas ayuu ugu jawaabay” saaxiib waa dumaashidaada cusub”

Ninka gabadhaas qabay oo lagu magacaabo Cabdi Hanad ayaa qaab fajaca ugu celiyay maxaad ula jeedaa waa dumaashidaada cusub?

Wuxuu Cabduqadir ugu jawaabay” Saaxiib waa xaaskeeyga ee barasho wanaagsan”

Cabdi Hanad oo xanaaq dartiis is celin waayay ayaa dharbaaxo ku qaaday,wuxuuna kadib dafay bakoorad uu ku garaacay ilaa uu dhulka dhaco Cabdulqadir oo ilig jabtay.

Cabdi Hanad oo ay dad ku soo xoomay qabteen ayaa la weydiiyay sababta uu gacan qaadka ugu bilaabay wiilka ay saaxiibka yihiin,wuxuuna awoodi waayay inuu hadlo ciil dartiis hasse yeeshee Cabduqadir ayaa labo maalmood kadib mar uu ka soo baxay Isbitaal ku yaal Nairobi wuxuu ka sheekeeyay qisada ku dhacday.

“Tan iyo yaraanteeydii waxaan aruursan jiray sawirada gabdhaha qurxoon,hadii aan xaafad tago,waxaan baari jiray albunada yaal,waxaana ka xadi jiray sawiro wixii gabadh qurxoon,todobo boorso oo waaweyn ayaan ka buuxiyay waxaana jeclaa inaan gabadh kasta todobaad dhigto muraayad iigu dhegan xaafada,bilna aan jeebka ku qaato oo saaxiibadeeyda tuso ,kuna dhaho waa saaxiibteeyda laakiin nasiib daro sawirkaan ugu dambeeyay oo aan ka soo qaatay xaafad aan ku cusbaa ayaan ku galay halis maxaa yeelay ,waxaan afka u galay ninkii naagta lafteeda qabay oo aan macariifo aheyn”ayuu yiri Cabduqadir Ismaaciil oo Waagacusub.net u waramay.

Cabduqadir wuxuu tibaaxay in sawirada uu hayo oo kumanaan gaaraya uu ka fikirayo sidii uu ka yeeli lahaa,inuu keyd ahaan u heysto,inuu gubo,aaso iyo inuu ku daadiyo wadooyinka Nairobi.

“Waxaan ku dadaalayaa sidii aan isaga jari lahaa dabeecadeyda maxaa yeelay balwad ayey ii noqdeen aruurinta sawirada gabdhaha qurxoon ee Soomaaliyeed “ayuu qaab calaacal la mida ugu taraabay Cabduqadir Ismaaciil

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software