Boga Bulshada
03 May 2009 Waagacusub
Media
Aniga
oo aad u fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay.
Habeenkii feker iyo walaahow, ayaan ku seexday, waxa
qalbigeyga gubayay, ayaa waxa ay ahaayeen cabsi ku
saabsaneyd in caqabado hor leh ay yimaadeen iyo wax
dhaqtarka baas dib usoo celiyay.
Subaxii markii waagu dilaacay, ayaa waxaa igu soo
dheelmaday Istar iyo Asad oo wada socday, markii qolkeyga
loo soo gudbiyay, ayaa Asad hurdada iga toosiyay, mar alle
iyo markii aan dhaayo ka qaadayba, waan gartay in wax ay
jiraan. Naxdin saa'id ah ayaa ka muuqatay Istar, waxaana
eraydii ugu horeeyay ee kasoo burqaday afkeeda ay ahaayeen
"Xamza, wax ma ogid dhaqtarkii ayaa soo laabtay, wuxuuna
lee yahay anaa guursanaya gabadha, hooyana way ka
ogolaatay ee maxaa talo ah". hadlkeedaasi runtii falaar
wadnaha igaga dhacday oo kale waa uu iga xanuun badnaa,
hase yeeshee anoo ku tashanaya kalsooni aan horey
hooyadeed uga heestay ayaan ku dhahay "dhib ma lahan, anaa
hooyo la hadlaya".
Intaa kadib saddexdeena oo wada socona ayaan
guriga Istar usoo dhaqaaqnay, si aan arrinta u guda galno,
waxaan guriga ku arkay rag aad u tir badan oo wax ay
yihiin aanan garan, bals waxba isma raacinee, howsheeda
ayaan ka watay, waxaana la kulmay Istar hooyadeed si aan
wax uga dhaadhiciyo. nasiib darrose, way igu gacan seertay.
waxaan xitaa ugu manad sheegtay jaceylka aan Istar isla
soo marnay iyo abaalka aan u galay, laakiin jawaabta ay
isiisay waxa ay noqotay ayada oo i tiri "indha fiiqista
Istar, abaal ka weyn ma jiro taasna dhaqtarka ayaa iska
leh, ee wax kale sheeg". Si kastaba dhinac kasta oo aan ka
maray, waan ku guul darreystay. waxay xitaa kale oo ay igu
qalbi dilaacisay in saddex maalmood kadib uu arooska Istar
dhici doono.
talo ayaa igu cadaatay meel aan wax ka bilaabana waan
garan waayay, anoo yaaban ayaan habartii kasoo tagay
waxaan is iri bal adiga iyo Istar is wareesta oo ka tashta
mashaqada cusub, haddaan is iri bal banaanka ula bax,
waaba tan hooyadeed oo ku qeylineysa, "haye kaabe, ha isku
dayin inaad gabadha la baxsato, waxa rag ah ee guriga
dhooban ayada ayay ilaalo ka yihiin".
warkii horeba war soo dahaaf, waxaan is iri "dhaqtarka
baas goormuu waxaan qorshaha soo diyaariyay", kadib ayaan
Istar inta guriga kula dhex hadlay ku iri "kheyr u sheeg
niyadda, waan is heleynaa", "iyana waa yahay adaan kaa war
sugayaa"ayay igu tiri, sidaas ayaana kaga soo tagay.
Maalinkaasi, waxa uu noqday maalin kale oo murugo leh oo
nolosheeda soo maray, ilaa laga gaaray labadii maalin ee
xigtay oo dhan waxaan ka fekereynay aniga iyo saaxiibkey
Asad, waxa aan sameyn doono, si aan caqabdan uga hortagno,
hadda xal waan heli weynay, waqtigana ciriiri buu nagu
ahaa oo maalin qura ayaa hartay, aniga iyo Asad oo
maalinkii arooska maalinta ka horeyay gurigeena fadhina oo
wada hadleyna, ayaa waxaa noo timid, gabar aniga i
raadinyesa, markii qolkeyga loo soo gudbiyay waxay ii
dhiibtay warqad ay ii sheegtay inay ka timid dhanka Istar,
"waad mahad san tahay" intaan ku niri ayay iska baxday,
iniga oo farxad iyo naxdin ay na isugu kaaya darsan yihiin
ayaan warqadii kala furnay si aan u aqrino, waxayna u
dhigneyd sidan:
Dear Xamza.
Waxaan kugu salaamayaa salaaan huwan, dareemada jirkeyga
oo idli, salaan samir siin ah, salaan kalgaceyl, salaan
murugo leh, iyo salaan macsalaameyn ah.
Salaan kadib sidaad la socotidba, aniga waxaa la doonayaa
in beri la igu daro, qof aysan nafsadeeda raali ka ahayn,
si la ii dhinac mariyo kaan dunida ka doortay ee Xamza,
islamarkaana nolosheeda murugo loogu horseedo. ma u
maleynayo inaan u adkeysan karo nolol kale oo dhib badan,
kadib waayitaankii aan adiga horey kuu waayay, waxaa cad
inaan si naba looga hortagi karin arrooska lagu wado in
beri la qabto, si dhaqtarkan baas qasab la iigu daro, waa
wax aan u dul qaadan karin taas.
Xamzow waxaan u maleynayaa inay isku mid kuu tahay hadaan
nin kale u dhaxo, iyo hadaadba aniga oo dhan muuqeyga
weydo. sidaa darteed, maadaama aadan sinnaba ii heli karin
ayaan go'aan ku gaaray inaan isaga tago dunida, si aan
dhibkeeda uga nasto, aana uga baaqsado inaan bur buriyo
wacadkii aan horey u maray oo ahaa inaan u dhixin nin aan
adiga ahayn, adigana cadow baa iga kaa hor istaagay.
Xamzow, mar alaale marka ay warqaddan gabadha iga soo
qaado, ayaan go'aan ku gaaray inaan is dilo, waxaan kuu
rajeynaa nolo farxad badan, nolo macaan, nolol hor mar leh
iyo nolol guul ku dhisan, aniga waan is dilay. waxaan ku
lee yahay ifka hibo ku noolow aakhirana halkii roon.
Waxaan kaa codsanayaa hadaad i jeceshahay inaadan
noloshaada dhib u horseedin. Xamzow nolol cuusub abuuro
macaane anigana Iska Key Illow.
By: Gacalisadaada dunida ka
tagtay ee Istar.
Markii aan warqadda aqrinay ayaan aniga iyo Asad baabuur
lasoo cararnay si aan isugu dayno inaa is dilkeeda ka hor
tagno, laakiin nasiib darro waxaan tagnay gurigii oo lagu
buuqsan yahay, geerida ka dhacday darteed. nolosheedii
halkaasi ayay ku bur burtay, oo ilaa iyo haddana ma
guursan, si aan u sharfo jaceylkii Istar, maadama aysan
nin kale u dhixin ayaan anna waxaan didiay inaan gabar
kale guursado.
Dhamaad
Dhamaad
Dhamaad
Dhamaad
Dhamaad
Dhamaad
Dhamaad
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed
Yare"
alaxmed@hotmail.com
Somalia:
Sudan pushes Aweys to support Somalia government
Somalia:Al-Shabaab
Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People
Somalia:
Mortar shell injures 8 women in Mogadishu
Somalia:
Hormuud Telecom accused of listening its customers:
Editorials
Somalia:Al-Qaeda
to distabilize Somaliland
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new