Dicember .02.2007 Waagacusub.net Sheekooyinka jaceylka

SHEEKO GAABAN OO QARACAN BADAN AGOONTII
LA CIDLEEYEY!!!!

 
 




by:c/raxman zaylaci sheikh





DHALAAN ayey aheyd wax daadaheeya ama daryeela may arag aabaheed intii ayna nuurka dunida arag ayuu hooyday,waxaa barbaarinteeda iyo ababinteeda alle baday hooyadeed, 7 caruur ayey dhexda kaga jirtay, wax toll iyo qareena may arag, caruur isku filan ayey ahaayeen, hooyo wanaagsan oo agoon korisa ayaa dhashay, maama mas,uuliyad cidna kula gacan qaban ayey qaaday , muruq maal xoogsata ayey aheyd, shaqada nooc walba ka wardoontay, qaad iibisay, shidaal iibisay, shaahlay noqotay, subaxii ayey bixi jirtay inta ayna shinbiruhu buulkooda ka baraarugin, way soo caraabi jirtay xiliga ay soo buul noqonayaan.

subaxa ayey aheyd cirku daruur iyo hogol roob dahaareen samadda , onkod gariiray ma jirin uffo roob keenayna masoo hiirin, AGOON koriso waxaa ay usoo luuday goobtii shaqadeeda , waxaa ay miis ganacsi kulaheyd xaafad al-baraka ee degmada hodan waxaa ay qabsatay bisinka yaa fataax yaa razaaqna way raacisay, agoontii mid guriga joogta iyo mid dugsiga tagtabay la kala dareer, cirku wuu hoorayaa daruuro xinjira xanbaarsan iyo hogol sumeysan ayuu caranayaa, waxaa dhawaaqay guux waxaa gariiray dhulka waxaa dakaamay samadda waxaa gantaal beegsaday AGOON koriso waxaa ciida dib ugu laabtay cadkeedii, lakala yaac lakala huleel, nasiib uma yeelan wax xaab xaabiyana alle meesha ma dhigin dugaagna ku daroo, daruurahaa kala dhanbalmay kala haaday gurmad iyo gaadhsiiyey dhanbaalkii agoontii ay ka hoyatay hooyadii wanaaga laheyd...

la isku soo bax walaac iyo lamuuji ka xumaan dhaban la qabsado iyo baroor la isku dar, agoontu dareen maleh, badankooduna maba dareensana waxa ku dhacay..

hooyo meeday iyo goormay iman ayey ku jiraan baroor iyo tacsiyeen lakala huleel .. gurigii iyo agoontiina isku soo hadhe, dalka iyo dadkuba kala haad ayuu marayey nin xasuus iyo gibil naxa leh kuma soo harin meesha ..

nin cirku ku soo dumay cidi kama dulqaado nin dhulku la ciirayna cidna caawin meyse sida ciyowga keyntay caruurtii cabaade zuhuur ayaa soo baxday kana soo wardoontay miiskii hooyadeed..

waxaa ay aheyd gabadh caqli badan,meyna dareemin kala haadka iyo qalo yaraanta, beegsatay booskii hooyadeed, shalmadii hooyo macaan oo meel laalan ayey aragtay.. nooday carartay hooyo....

hooyo.. ku hataaqday.. mise ma helin.. miiskii beegsatay mise kuma yaqaan... oraday rucleyay dhacday mise waxa ay ku istaagtay waa gacantii hooyadeed oo taalay miiska meel aan ka fogeyn... garaty.. barooratay..gacantii ayey gacalsatay soona qaadatay iyadoo leh.. hooyo... hooyo .. ma gacantaadiibaa gurigii ayey soo gashay.. garwaaqsatay in hooyo joogin.. xaafadha u carartay laakiin cid may helin...

xili casar gaaba ayey jeeni qaaratay kii ugu yaraa hogaamisayna kuwii ka weynaa iyo kuwii ka yaraa una huleeleen xaafad madiina iyo meesha dadku beegsadeen durdurada ayaamuhu qofbay jeeni qabataa dacar qadhaadh cabsiisaa...

c/raxman zaylaci sheikh


 

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software