Dicember .02.2007 Waagacusub.net Sheekooyinka jaceylka

Galgacaylkii Qarsoonaa( Sheeko xiiso badan)qeybtii-
8aad

 
 



 

Keyse ayaa markii ay fani tagtay ku yiri Axmed,war axmedow maxaa kugu dhacay?

Miyaadan xitaa gabadha salaanta ka qaadeynin waxaasi waa ceeb

Wax ay fani kaa galabsatay ma jiraan,ee sidaan isku dhaan.

Axmed inta uu si quman u fariistay ayuu ku jeestay saaxiibkii isaga oo dembiga iska riixaya wuxuuna yiri….

Saaxiib waa isku mid hadaan aniga ka qaado iyo hadaad adiga ka qaado intaba,intaasna dembi ha iiga dhigin.

Keyse ayaa hadalkii qaatay oo yiri…saaxiib aniga waxaan  la yaabanahay ruux naf uu jecelyahay lagu qasbayo in uu wanaajiyo ,adiga waan kala saari la,ahay in qoftaas aad jeceshahay iyo inkale .

Aniga saaxiib qoftaas ma jecli balse nafteyda ayaa jecel.

Ayuu axmed ku warcelinayaa..

Keyse aad buu saaxiibkii ugu jahwareersanyahay waayo taladii uu siiyo ma qaadanayo,wuxuuna kala kulmay daal fara badan intii uu wax ka dhaadhicinayay…

 

Wuxuuna yiri isaga oo hadalka u soo gabagabeynaya

Saaxiib aniga waan kaa quustay mar dambena arrintaasi ha iila imaan sababtoo ah…illaa iyo hadda iima heysid cadeymo muujinaya in gabadhaasi aad jeceshahay iyo in kale,si talo ku aadan aan kaa siiyo ma nin weyn oo rag ah wuxuu ku hadlaa aniga ma jecli nafteydaa jecel adiga iyo naftaada labo miyaad kala tihiin saaxiib bal eeg sida aad u dhaqmeyso…. 

Axmed markaan aad buu u xanaaqayaa wuxuuna ku sigtay in uu fadhiga ka sara kaco.

Balse wuu is celiyay arday badan baana daawaneysay sida ay hadalka isugu dhiidhiibayaan axmed iyo keyse oo ahaa saaxiibbo ay naftu ka dhexeyso.

Keyse waa wiil fiican dabeecad wanaagsanna leh…mar kastana wuxuu axmed ka celiyaa waxyaabaha uu ku kaco ee badankood isla weynida ku saleysan.

Labadii wiil iyagoo aan weli wax meel isla dhigin oo lakala aamusanyahay ayaa waxaa dhegahooda ku soo dhacaya dhawaqa gambaleelka oo ardayda ogeysiinaya in xilligii bareegga uu dhamaaday fasalkoodana ay ku xaroodaan.

Arrintaasi waxay uur ku taallo ku noqotay axmed juqraafi oo aan ku qanacsaneyn sida uu ku dhamaaday wada hadalkii dhex maray isaga iyo saaxiibkii. 

Waxaa lagu xarooday fasalka,axmed iyo keyse waxay u muuqdeen dad careysan midkoodna kan kale lama uusan hadleyn taasna waxay shaki ku beertay ardaydii fasalka la dhiganeysay…

Muniira oo ahayd axmed walaashii aad bey ugu kuur galeysay waxa dhacaya balse nasiib darro ma ogaan karto waxa ay ka wada hadlayeen walaalkeed iyo keyse.

Muniiro waxaa malmahan dambe ka go,neyd in ay baarto kana salgaarto arrinta axmed ku soo korortay waqti walba haku qaadatee.

Waxaa dhamaaday xiisadihii fasalka loogu talo galay waxaana la gaaray xilligii rawaxaadda.

Sidii caadada u ahayd axmed iyo keyse hore ayay isku sii raaceen mana jirin wax hadal ah oo ay is dhaafsanayeen,ardaydii gadaashood socotay ayaa la yaabanaa waxa labada wiil ku dhacay wey isla socdaan hadana ma wada hadlayan maxa ku dhacay ayayna niyadda iska lahaayeen.

Axmed juqraafi iyo keyse waxay socdaanba waxaa loo soo dhowaaday wadadii ay ku kala leexan jireen halkaa ayayna isku macasalaameeyeen axmed baana hadalkii furay oo yiri saaxiib aad ban isugu buuqsanahay iga ralli noqo waxaan kuu imanayaa caawa …

Keyse ayaa inta uu saaxiibkii gacan qaaday ku yiri waayahay saaxiib.

Sidii ayaana lagu kala tagay…
 

Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software