August.02.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Wiil hadii uu gabadh arko hindhiso ku waasha.

 
 


Maxamed Cismaan oo ka mida dhalinyarada ku nool Magaaladda Kampala ee dalka Uganda ayaa laga quustay in laga daweeyo cudur loo badiyay inuu yahay sanboor ama xasaasiyad saneed uu ka qaado aragtida gabdhaha.

“ Hadii aan gabadh arko sanka dhan ayaa I cun cuna laakiin hadii ay igu soo dhawaato oo I salaanto ama catar ay marsan tahay udugiisa sankeeyga dareemo waxaan ku waashaa hindhiso ilaa ay indhaha I gaduudaatan”ayuu yiri Maxamed Cismaan oo la hadlay Waagacusub.net

Mr Maxamed Cismaan wuxuu xusay inuu xaasle yahay hadana uusan ku sanboorin gabadha uu qabo,walaashiis iyo inta ay dhalasho wadaaga hoose yihiin.

“Dhaqtarka ayaan xitaa u sheegay oo waxaan dhahay,xaaskeeyga kuma sambooro kumana hindhiso laakiin waxaa iigu daran hadii aan arko ama igu soo dhawaato gabadh aanan aqoon oo aad u lebisan”ayuu si feejignaan ka muuqato u yiri.

Maxamed Cismaan wuxuu sheegay inuusan ku hindhisin gabdhaha ajnabiga balse ay ku kooban tahay gabdhaha Soomaaliyeed,wuxuuna sidoo kale si gaaban u yiri” Kuma Hindhiso hooyooyinka Soomaaliyeed ama xitaa hadii aan hooyo inay tahay u arko..

Dhaqaatiir uu la xiriiray Maxamed Cismaan oo ka hoowlgala Kampala ayaa Waagacusub.net u sheegay inuu qabo xasaasiyad aan dawadeeda la aqoon oo uu ka qaado dumarka uusan aqoon ee Somalida.



W/D Abdi Salaan Abdulle Alasow


 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software