August.02.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Oday gabadhiisa kula kulmay qol Nikaax

 
 


Aabe magaciisa lagu koobay Muuse ayaa gabadh uu dhalay oo lagu magacaabo Hibo wuxuu si lama filaana ugula kulmay qol ku yaal Magaaladda Daafeed ee gobolka Shabeeladda hoose halkaas oo uu doonayay inuu ka nikaaxsado naag uu watay.

Oday Muusse oo ka naxay aragtida gabadhiisa ayaa ku yiri” Aabe Hibo maxaa ku keenay qolkaan”?waxayna Hibo ugu jawaabtay” Aabe wixii ku keenay ayaa I keenay,waxaad wadataa naag anigana wiil baan wataa ee aan kala qaleeyno,hadii kale sheekadu waxay gaareeysaa hooyo”

Oday Muusse ayaa gabadha u indha gaduudshay,wuxuuna ku dhahay” Hibo indha adeegaas miyaad keentay,ma aniga ayaa kuu diiday maxaad iigu keensan wayday ninka aad rabtid” Hibo oo qosol iyo dhoola cadeyn muujineysa ayaa ugu jawaab celisay si degan”Aabe gabadha aad wadatid maxaad uga dooni waysay aabaheed mise iyada aabe ma dhalin,ka booti hal xiraalahaas,hana isku dayin inaad dhahdid meher xadku wax jira maaha waayoo……..sidaas darted hada Sheekhii wuu joogaa,jaanisna waad heysataa ee fasax in wiilka igu nikaaxiyo”

Xaaji Muusse oo qosol isku celin waayo ayaa Sheekhii ku dhahay” Bal Hibo hor mari oo ku nikaaxi wiilka ay wadato maxaa yeelay tani waa qisada qarniga iyo qabaalka meertada”

“Afaaraheeyga ha gelin,iskana jir hadii sirteena aad hooyo u sheegtid”ayuu kula dardaarmay gabadhiisa.

“Intaan wax nikaaxinayay masaafada waxaa iigu qosol iyo naxdin badneyd qisada dhexmartay Hibo iyo Aabaheed Muusse”ayuu yiri Sheekhii Daafeed oo la hadlay Waagacusub.net



W/D Abdi Salaan Abdulle Alasow


 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software