Gudniinka fircooniga ah si aad ah ayuu ugu badan yahay guud ahaan dalka Soomaaliya, waxayna inta badan waalidiinta Soomaaliyeed aaminsan yihiin in gudniinka fircooniga uu yahay xafide gabadhii lagu sameeyaa xumaanta iyo rag ku dhegdhega ka xafidaya xilliga ay weynaato oo waxay aaminsan yihiin in gabdhaha marka la sunne gudo aysan is xakamayn Karin ceebna u soo hoynayso dadkeeda, balse marka laga xayuubiyo dareenka aysan damaaci nin galaynin.
Haddaba waalidiintaas hal dhinac oo kaliya ayay wax ka eegeen, mana aysan ku xisaabtamin dhibaatooyinka gudniinka Fircooniga gabadha iyo ninka guursadaba uu u keeni karo.
Haddaba gabdhaha la fircooni gudo sida aan horeyba u soo sheegnay dhibaatooyinkooda way badan yihiin oo qoraal kaliya laguma soo koobi karo, waxaana ugu horreeya dhibaatada ay la kulmaan marka lagu samaynayo gudniinka ee ay yar yihiin, markaasoo xannuun daran iyo caabuq uu haleelo, Caadada (Dhiigga Xeylka) oo aad u dhiba mararka qaarna uuba ka soo bixi waayo duleelka ciriiriga ah wee la qodbay, dhibaato iyo aafo dambena ku reeba, marka ay umulayaan oo ay qasab tahay in qaliin lagu sameeyo ama la dildilaaciyo xubintii taranka ee sida xaasinimada ah loo tolay, sidoo kale Xannuun daran iyo cabsi ay la kulanto habeennada ugu horreeya ee ay gabadhu la kulanto Ninka guursada oo isaguna ku dhibaatoodo goynta bikrada sida arxandarrada ah loo wiiqay.
Mararka qaar ayaa waxaa dhacdo in gabadha la dareen dilay ee Fircooniga loo guday uu ninka guursada uu naco maadaama wax dareen ah iyo dhadhan aysan u lahayn kadibna qoyskeedu burburo.
Haddaba waxaa muhiim ah inaynu is weydiino sidee uga hortagi karnaa dhibaatada ballaaran ee haysata gabdhaheena Soomaaliyeed ee la fircooni gudo?.
Inkastoo ay adag tahay in waalidiinta Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo dhibaatada gudniinka Fircooniga uu leeyahay welibana aanu ahayn wax Diin ku soo arooray ayaa waxaa wanaagsan in la badiyo Wacyigelinta loo sameeyo Waalidiinta, Umulisooyinka iyo Culumaa'udiinka oo iyagu kaalinta koowaad ka geli kara joojinta gudniinkan oo ah mid ka yimid Shaydaankii Fircoon la oran jiray, laguna baraarujiyo xubnahaas haddiiba aan gudniinka laga dhaafeynin gabdhaha in loo gudo Suni oo Shareecada Islaamku ogoshahay.
Sidoo kale qaabka lagu joojin karo gudniinka Fircooniga ayaa waxay tahay in casharada gudniinka lagu daro maadooyinka Caafimaad ee lagu qaato Iskuullada si ardayda marka ay yaryar yihiin loogu baraarujiyo dhibaatada iyo xumaha gudniinka Fircooniga.
Dhinaca Miyiga oo inta badan gudniinka Fircoonigu ku badan yahay, isla markaasna aysan gaarin Wacyigelinta ay helaan kuwa magaalada jooga ayaa iyagana loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii loo gaarsiin lahaa dhibaatada gudniinka Fircooniga, maadaama waalidiinta Miyiga ku nool aanay wax aqoon ah u lahayn dhibaatada iyo raadka xun ee uu reebo gudniinka fircooniga.
W/Q. C/raxmaan Cumar (Caaqil Dalmar)
Waagacusub
Arimaha Bulshada
waagacusub.net@gmail.com
