02.May.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada
WERIYE CAAN AH OO LA MURUGEYSAN JACAYLKIISA OO KA QAXDAY NOLOL IYO GEERINA UUSAN KU OGEYN (Arrin laga naxo oo uu soo tebiyey weriyahaasi)


 
 


Weriye si aad ah loo wada yaqaano oo ka howl gala wargeyskan Aayaha Nolosha iyo Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqd-isho, horeyna Idaacado kale uga soo shaqeeyay ayaa la walaacsan Jacaylkiisa oo dagaalladii ka qarxay Muqdisho ka qaxday, taas oo uusan nolol iyo geeri meelna ku ogeyn.

“Fallaar wadnaha iiga taagan oo mar walba aan soo xusuusto igu gilgileysa oo kale ayay iigala dhigan tahay gabadhaas aan sida aadka ah u jeclahay, markii iigu dambeysayna waxay ka sii baxaysay Xaafaddooda CaliKamiin iyadoo Telefoonka iigu sheegtay inay Muqdisho ka cararayso, waxaana la ii sheegay inay gaartay Dhoobley, balse waxaa haatan I soo gaartay oo aan maqlay in Gaari Soomaali qaxaysay ay saarnaayeen oo ku sii jeeday Dhadhaab uu rogmaday, markaasoo aan u qaatay in ay ka mid tahay dadkii uu gaarigaa la rogmaday ee geeriyooday” ayuu yiri Weriye Xasan Cali Geesey (Al-qeys) oo sida uu sheegay muuqaalka jirkiisu uu si aad isu guray tan iyo markii uu maqlay in Gaari ka baxay Dhoobley oo ku sii jeeday Dhadhaab uu qalibmay.

“Mar walba waxaan ku riyoodaa iyadoo aakhiro iiga baaqaysa oo dhar cadcad ku lebisan, sidaas poo ay tahayna ma xaqiijin karo dhimashadeeda” ayuu ku calaacalay weriye Al-qeys oo la dhakafaarsan Jacaylkiisa ka qaxay ee aanu meelna ku ogeyn adduun iyo aakhiro.



Waagacusub Arimaha Bulshada
waagacusub.net@gmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software