02.May.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada
Wiil gabar uu jeclaa ku gacan seyrtay oo si xeeladaysan ku hantay iyadoo dal dibad ah jirta (Dagaalladii Muqdisho ka dhacay oo sabab u noqday helitaankeeda)


 
 


Wiil lagu magacaabo Maxamed Weli oo gabar uu aad u jeclaa balse iyadu ay diidanayd kadib markii ay dalka ka dhooftay kuna tiri Nin Afrika, weliba Soomaaliya jooga Jacaylkiisa uma soo jeedo ayaa haatan si fudud gabadhii ku kasbaday, welibana dagaalladii Muqdisho ka dhacay awgood ayuu ku helay.

Wiilkaas oo ay gabadha waalidkeed deris ahaayeen ayaa markii dagaalku qarxay waalidkii oo wiilal aanay u joogin badankoodna dibadda ku maqan yihiin wuxuu ka kaalmeeyay ka barakicii Muqdisho ay ka barakeceen.

Markii uu dejiyey degaanka Ceelasha ayaa gabar ay dhaleen reerkaas oo shuban uu ku dhacay wuxuu kaligiis u soo qaaday Isbitaal Muqdisho ku yaala oo uu kula jiray ilaa ay ka reesato, markaasoo wiilkii ay ku yiraahdeen maxaan kuugu abaal gudnaa, wuxuuna ku yiri “Mid kaliya ayaan idinka codsanayaa haddii aad ii samayn kartaan” “Wax walba waan kuu samayneynaa ee inoo sheeg” ayay ku yiraahdeen, markaas ayuu ku yiri “gabadhiina dal hebla jirta ayaan guur ka rabaa ee ii ogolaada”.

Kadib way ka ogolaadeen oo iyada la xiriireen una sheegeen wixii wanaag ahaa ee uu qabtay iyo in la'aantiis aanay ka badbaadi lahayn dagaalladii Muqdisho amar Alle mooyee, markii intaas loo sheegay ayay u damqatay oo Jacayl waxoogaa u qaadday kadibna waalidka ayaa yiri “ka waran wiilkaas oo hadda inagoon Xidid ahayn waxaas inoo sameeyay haddii gabar uu naga qabi lahaa” kadib iyada ayay ka dalbadeen inay guursato weyna ka ogolaatay.

 



Waagacusub Arimaha Bulshada
waagacusub.net@gmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software