02.May.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada
Nin oday ah oo wadnuhu istaagay kadib markii gabdhihiisu ay maxkamad la koreen


 
 

 

Wakaalada wararka ee AFP oo soo xigatay warabaahinta Sucuudiga ayaa sheegtay in Nin waayeel ah oo u dhashay dalka Sacuudiga uu wadnuhu istaagay, kadib markii maxkamad ku taala magaalada Makka Al-mukarama ay ridday xukun xasaasi ah oo ka dhex oognaa ninkaas odayga ah ee Maxkamadda ku dhex geeriyooday iyo Seddex Gabdhood oo uu dhalay.

Dacwadan sababtay geerida Odaygaa ayaa ahayd mid soo jiitamaysay muddo dheer, iyadoo mar ay dacwaddu qaadday Maxkamad Gobol oo ku taala Makka Al-mukarama ay Xukunkii u ridday sidii uu Odaygu u rabay oo ahayd in isaga oo kaliya uu soo xuli karo Ragga guursanaya gabdhiisa, balse Gabdhihii oo ka biyo diiday xukunkaas ayaa dacwadooda u soo gudbiyey Maxakamadda shareecada Islaamka sare ee Gobolka ee Makka Al-mukarama.

Kadib Maxkamaddu waxay xukmisay in Gabdhuhu ay gali karaan Guur shareecada Islaamka ku salaysan oo Aabahoodna uu hibeeyo, Cid kasta ha soo xusho ama ha u keento Ragga ay guursanayaane, arrintaasoo ahayd sidii ay gabdhuhu rabeen ee ay niyadda ka jeclaayeen, laakiin nasiibdarro go'aankii Maxkamaddu waxa uu galaaftay oo wadnaha joojiyey Odaygii Aabahood ahaa oo laga dhex qaaday maxkamaddii isaga oo Mayd ah.



Waagacusub Arimaha Bulshada
waagacusub.net@gmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software