02.May.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada
MATAANO ISKU DHEGAN OO 16 SAACADOOD LAGU KALA FUJIYEY.


 
 


Dhakhaatiir Sucuudiyiin ah ayaa ku guulaystay in ay kala jaraan laba carruur ah oo oo u dhashay Wadanka Kamaroon kuwaasoo dhashay iyagoo isku dhegan.

Qaliin qaatay muddo 16 saacadood ah, ayuu ku guulaystay Dr. Rubayci inuu ku kala fujiyo carruurtaas oo ahaa mataano gabdho ah.

Lacagta iyo kharashka qaliinkaa ku baxay ayaa waxaa la sheegay inuu ku tabarucay Boqorka Sacuudiga kadib marki uu reerka dha-lay labadan mataanaha ah oo iskaga dhaganaa caloosha iyo laabta labada lugood oo kaliyana wadaagayay ay Internetka ku baahiyeen cid ugu tabarucda taakulayn lagu qalo caruurtooda, taasoo markii uu Boqor Cabdallaha Sacuudiga ka akhristay Internetka uu isagu ugu deeqay in uu bixinayo qarashka qaliinka, dalkiisana lagu fulinayo qaliinka.

Gabdhahaas lakala fujiyey oo lagu kala magacaabo Fiinbom iyo Shiinbom ayaa la soo sheegayaa in xaaladdoodu caafimaad ay fiican tahay, haatana lagu daryeelayo isbataalka u gaarka ciidamada ilaalada ee boqorka ee ku yaala magaalada Riyaad.

Dhakhtarka qalay ayaa sheegay in gabdhahani marka ay 3 sano jir noqdaan inay u baahanayaan Lugo macmal ah oo lagu rakibo maadaama ay hal lug kaliya wada isticmaalayeen, sidoo kale marinada kaadida, beerka iyo kelyaha ayay wada istiicmaalayeen waana la farsameeyay.

 



Waagacusub Arimaha Bulshada
waagacusub.net@gmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software